Job Posting Date: 9 September 2025 – 12:11 PM
Closing Date: 24 September 2025 – 12:59 AM
Organization: WHO Representative’s Office, Somalia (EM_SOM)
Work Schedule: Full-time
Job Description
Waxaa la raadinayaa Finance Assistants (darajo G5) oo ku salaysan Hargeysa iyo Garowe, iyadoo boosasku yihiin ku-meelgaar (Staff Rule 420.4) muddo hal sano ah, taas oo ku xirnaan doonta helitaanka dhaqaale, waxqabadka shaqaalaha, iyo baahida sii jirta ee booska. Lambarka Reference-ka waa 2503389.
job duties
Shaqadan waxa ay ka koobantahay maamulka nidaamka e-Imprest iyo hubinta in dhammaan habraacyada iyo xisaabaadka maaliyadeed loo fuliyo si waafaqsan xeerarka WHO iyo GSM. Waxaa ku jira diiwaangelinta kharashaadka iyo lacagaha soo gala, hubinta dukumentiyada taageerada, xallinta khaladaadka xisaabaadka, diyaarinta iyo xaqiijinta lacag bixinta, la socodka miisaaniyadda iyo muddada dhacaysa ee deeqaha, iyo samaynta dib-u-heshiisiin lacagaha bangiga iyo cashbook. Sidoo kale waxaa lagu daray diyaarinta warbixino maaliyadeed, la xiriirka bangiyada iyo xarumaha dhexe, iyo taageeridda shaqaalaha kale ee kooxda marka loo baahdo. Shaqadu guud ahaan waxay xooga saaraysaa saxnaanta, waqtiga ku habboon, iyo ilaalinta diiwaanno hufan oo maaliyadeed.
Skills & Qualifications
Education:
-
Essential: Dugsiga sare oo la dhammeeyay, tababar ku saabsan maamulka ganacsiga/commerce ama koorsooyin farsamo oo la xiriira shaqada.
-
Desirable: Shahaado Bachelor oo xisaabaad, commerce ama maamulka ganacsiga ah ayaa ah faa’iido.
Experience:
-
Essential/muhiim: Ugu yaraan 5 sano oo khibrad la xiriirta xisaabaadka iyo/ama shaqo maamul.
-
Desirable/latixgalinayo: Khibrad ku habboon oo ka tirsan nidaamka UN-ka.
Skills:
Aqoonta wanaagsan ee siyaasadaha iyo xeerarka hay’adda, gaar ahaan kuwa la xiriira mashruuca iyo habraacyada maaliyadeed. Xirfado abaabul oo wanaagsan, aqoon ku saabsan sharciyada bangiyada iyo kuwa maxalliga ah, xirfado falanqeyn iyo isgaarsiineed oo wax ku ool ah.
WHO Competencies:
-
Teamwork
-
Respecting and promoting individual & cultural differences
-
Communication
-
Producing results
-
Ensuring effective use of resources
Languages:
-
Essential/muhiim: Heer sare oo English ah iyo luqadda maxalliga ah.
-
Desirable/latixgalinayo: Heer dhexdhexaad oo luqadaha kale ee UN-ka ah.
How to Apply.
Halkaan ka xaree click here
Course Training
sida ku cad qodobka Educationka waxaa muhiim loo arkaa haysashada koorsooyin farsamo oo la xiriira shaqada. haddii aadan horay u haysan course tababar oo shaqadaan ku haboon hadana aad xiisaynayso waxaad iska diwaan galin kartaa course-deenna Admin and Finance Officer course Training