Sidee is badal loo sameeyaa?

Is badal marka la yiraahdo waxa’uu leeyahay macno fog oo’aad u qota dheer!

Dadkeennu is badal waxay u yaqaanaan qof ku marka uu badalo qof kale ama dad kale xiriir uu lalahaa oo’uu ula dhaqmo sidii uu ula dhaqmi jiray si’aan ahayn! Markaa bay yiraahdaan hebel ama heblaayo wuu is badalay ama is badashay! Maya is badalku maaha sidaas?

Hadaba waa maxay is badal, sidee la isku badalaa si saxan meelaheese is badalka laga sameeyaa?, muxuu is badalku muhiim u yahay ? intaasba waxynu kaga bogonaynaa qormadaan.

Waamaxay is badal?

Is badalku waa in qof uu ka guuro fikiro hore oo’uu lahaa hab dhaqanno hore iyo caadooyin hore kuwaas oo siin jiray natiijada nolosha uu ku noolyahay una guuro hab fikir cusub, si cusub u fakaro dhaqamo iyo caadooyin cusub la yimaada si’uu u helo oo’uu u gaaro natiijada nolol uu doonayo, is badal waa qofka oo badala dadka ku xeeran deegaanka ku xeeran iyo xaaladaha ku xeeran waa iyada oo’uu qofku ka guuro cid walba oo’ uu lalahaa xiriiro nololeed oo uu saluugay, gooba shaqo oo’uu ogaaday inaysan wax u kordhinayn iyo xaalado uu cududaaro ka dhigan jiray iwm. Isla markaana samaysta dad iyo deegaan cusub oo siinaya firfircooni iyo dhiig cusub kadibana uu qofku badalo noloshiisa gabi ahaan sida inuu u koro cilmi ahaan, caqli ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba.

Deegaan= markaan kalmadaan adeegsanayno kama wadno magaalo wadan ama degmo ee waxaan ka wadna nolosha qofka ku xeeran sida meelaha uu ka shaqeeyo guriga u uku noolyahay dadka uu la noolyahay iwm.

Hadaba side la isku badalaa meelaheese is badalka laga sameeyaa?

Si’aad isu badasho si saxan oo’aad u qaadato go’aamo saxan waxaad u baahantahay inaad si togan ama positive ah aad u fakarto marka hore isna waydiisid su’aalahan.

  1. Maxaan u doonayaa inaan is badalo sabab/why?
  2. Maxaan doonayaa inaan iska badalo?
  3. Waxyaabaha aan doonayo inaan badalo saamayn noocee ah bay igu lahaayeen?
  4. Maxaan doonayaa inaan ku badalo waxyaabaha aan badalay.
  5. Is badalka aan doonayo halkee ii jihaynayaa ma meel xun mise meel wanaagsan?

Dhammaan su’aalahaas naftaada uga jawaab si daacad ah oo’aan cabsi lahayn.

Intaa ka dib sababta markaad hesho u dhaqaaq inaan badasho wax walba oo’aad doonayso inaad badasho.

Tusaale

Axmed waa nin doonaya is badal afartan su’aaloodna sidan buu uga jawaabay.

Su’aasha 1aad maxaan u doonayaa inaan is badalo? waxa’uu ku jawaabay “ nolosha aan ku noolahay maaha mid I farxad galinaysa sidaas daraadeed ayaan u doonayaa is badal” su’aasha 2aad maxaan doonayaa inaan badalo? waxa’uu ku jawaabay

“ saaxiibada xun-xun ee igu dhiirigaliya waxa nolosha iga ridaya, wakhtiga badan ee social mediaha aan galiyo, jadwalka hurdadayda, hab fikirka ku salaysan aragtida qabiilka, doodaha mar walba iga xanaajiya oo xasiloonida maskaxeed iga kaxeeya ama stress ka igu rida, victim mindset aragtida ah inaan mar walba u xanaaqsanahay maxaa wax la iigu qaban waayay, hab fikirka ah waxaas ma awoodo inaan qabto ama wax dhici kara maaha, intaas ayaan doonayaa inaan badalo”

su’aasha 3aad waxyaabaha aan doonayo inaan badalo saamayn noocee ah bay igu lahaayeen? Waxa’uu ku jawaabay

“ waxa ay qaadan jireen wakhtigayga, mar walbana waxay iga dhigaan mid isku buuqsan oo maskax ahaan daalan waxbana aan qabsan Karin waxayna ii samayn jireen routine ama nolol maalmeed aan dhibsado oo’aan I farxad galin mustaqbalna ii wadan” halkaan waxaa ka cad Axmed waxyaabaha uu rabo inuu badalo inay sax yihiin inuu badalo .

su’ aasha 4aad, waxyaabaha aan doonayo inaan badalo maxaan ku badalayaa ? waxa’uu ku jawaabay

“ saaxiibada xun waxaan ku badalayaa saaxiibbo wanaagsan oo horumarka aan kaga daydo amaba kaligay baan ahaanayaa intaan naftayda la jahaadayo, fikirka qabiilka waxaan ogaaday buuq inuu ii siyaadiyo mooyee inuusan waxba igu kordhinayn sidaad daraadeed maskaxdayda waan ka furay qafilka qabiilka, victim mindset ka ah inaan dadka ugu xanaaqsanaado inay wax ii qabtaan waxaan ogaaday 100% inuu khalad yahay uuna yahay khiyaali nacasnimo ah oo’aniga I curyaaminayay sidaas daraadeed si buuxda oo dhamaystiran ayaan u qaatay masuuliyadda naftayda iyo noloshayda waana Khasab inaan meel iska soo saaro, hab fikirka ah inaan naftayda yaraysto oo’aan aamino inaan waxba qabsan Karin waxaan ogaaday inuu iga qarinayo awoodahayga sidaas daraadeed waan ka saaray maskaxdayda hab fikirkaas waxaana u guuray inaan naftayda u sheego mar walba awoodahayga isna tijaabiyo alle wayne intaan kaashado”

waxaa timi su’aasha 5aad isbadalka aan doonayo halkee ii jihaynayaa ma meel xun mise meel wanaagsan?

Jawaabtu waa “ meel wanaagsan wax xun uma socdo keliya waxaan doonayaa inaa noloshayda ka dhigo mid wanaagsan oo’aan ku raaxaysto”

Halkaas waxaynu ka arki karnaa axmad inuu diyaar u yahay inuu is badalo oo’uu badalo naftiisa laakiinse ma hallkaas ayuu is badalku ku egyahay? Maya waxaa jira meelo la iska badalo.

Meelaha la iska badalo.

Qof kasta oo raba inuu is badal sameeyo marka laga soo gudbo badalidda dadka deegaanka iyo xaaladaha ku xeeran sida aynu tusaalaha sare ee Axmed ku soo aragnay waxa’uu u imaanayaa isbadalka nololeed ee xiga, natiijada aad ka helayso deegaanka xun, xaaladaha xun iyo dadka xun markaa badasho waxa’ay noqonaysaa korid inaad korto uu’aad u korto bulsho ahaan, dhaqaale ahaan, cilmi ahaan, cibaado ahaan , caqli ahaan iyo nolol ahaan.  markaa side looga koraa intaba oo is badal looga sameeyaa horumar ah?. waxaynu ku arkaynaa qodobada soo socda mid-mid ayaynu u dul istaagaynaa

  1. Sidee caqli ahaan loo koraa? /sidee isbadal caqli u sameeyaa?

Inaad caqli ahaan u kortaa kuma xirna da’a intaad jirto macnaha ee waa wax u baahan ficil maalin le ah, inaad caqli ahaan korto waxay kaa caawinaysaa inaad dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba korto iyo sidoo kale cilmi ahaan.

 si’aad caqli ahaan u korto waxaad u baahantahay inaad la timaado dhawr ficil. 

  • Joogtee wax akhriska si maalinle ah oo ka bilow akhrinta quraanka sidoo kale kala xulo buugta aad akhrinayso akhri kuwa ka hadla naf horumarinta, taariikhda adduunka, ganacsiga Geo politics ka, aragtiyada ama falsafadda,.
  • Challenge samee baar waxaadan horay u ogayn su’aalaha maskaxiyanka ah iyo sawirada isku day inaad si fudud u fahanto
  • Jimicso oo dhiigaaga kalafurfur tani waxay ka qayb qaadanaysaa shaqada maskaxda
  • Jooji daawashada filmaanta xunxun iyo muuqaalada maalaayacniga ah ee la soo galiyo baraha bulshada
  • Taa badalkeeda daawo podcast-tiyada cilmiga iyo faa’iidada leh.
  • Mar walba ka shaqaysii maskaxdaada si dagan u fakar
  • Ka qayb gal tababarada leadership ka, emotional intelligent iyo critical thinking ka iyo tababar kasta oo muhiim ah . halkan ku xirnow si’aad uga qayb qaadato tababaro online ah iyo kuwo offline ah labadaba click here
  • Biyo badan cab ( the importance of water in brain )

Dhammaan ficiladaani waxay kaa caawinayaan inaad noqoto qof maskax ahaan koran. Waxayna kaa caawinayaan bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba saan horay u soo sheegnay markaad noqoto qof ogaal leh oo caqli ahaan koray waxay ka qayb qaadanaysaa si wayn inaad dadka si wanaagsan isu fahantaan aadna la meeqaam iyo mustawo noqotid bulshada inta kortay oo faa’iidada leh dadkaas ayaad isku dad noqonaysaan, dad mar walba iska ag dhaw inlaa dadka intii isku fikir ahba waa isku majlase macnaha isku fadhi ama isku madal , si kooban waxaa is badalaya asxaabtaada iyo dadka kugu xeeran waxaadna noqonaysaa qof dad wax tar leh ay ku xeeranyihiin taasina waa ka qayb inaad bulsho ahaan kortay.

Side bulsho ahaan loo koraa?

Bulshadu ama networking-ka waxa loo yaqaan afka qalaad maxay muhiim ugu tahay nolosha? Sababta oo’ah waxay siyaadisaa fursadaha shaqo iyo ganacsi iyo fursadaha danaha gaarka ah ee qof yeesho dad badan inaa taqaano oo wax tarleh waxay kaa caawinaysaa waxyaabo badan inay kuu fududaadaan oo’aad awoodaysaa inay si sahlan kuugu hirgalaan. Hadaba side loo koraa bulsho ahaan oo loo samaystaa network wanaagsan. halkan ka akhriso. Kadib uso noqo isla boggan oo akhriska sii wado.

Side cilmi ahaan loo koraa?

Cilmigu ma’aha kaliya inaad dhigatid waxbarashada asaasiga ah ee 1aad ilaa 12aad kadibna jaamacad! Maya cilmigu intaa waa ka badanyahay waliba noloshaan casriga ah waxaad u baahantahay waxyaabo badan inaad taqaanno oo maskax ahaan aad tahay mid furfuran, hadaba si aad cilmi ahaan u korto

  • Joogtee xirfado raadinta , nolosha maanta ah waxaa jira xirfado badan oo’aad si bilaash ah ama khidmad yar ah internet ka dhexdiisa uga baran karto xirfadaha muhiimka ah waxaa ka mida kuwa technology-yadda iyo kuwa leadership ka
  • Baaritaan joogta ah maalin kasta wax ka ogow koonka diinta saynis ka iyo dhaqan bulsheedyada kala duwan
  • Is waydii waxyaabaha aad ku fiicantahay inaad qabato ka dibna qaado course-yada quseeya
  • Wax akhrintana joogtee
  • Sidoo kale baro luuqadda English ka oo fure u’ah cilmiga maanta
  • Haddii aad tahay qof doonaya inuu wax barashada academic-ga ah heer ka gaaro xaree scholarship ska international ka ah oo sanad walba soo baxa oo isha ku hayay institutions ka fursadahaas shaaciya ama adiguba raadi, soocareer institute si joogta ah ayuu u soo galiyaa fursadahaas ku xirnow boggeenna facebook ama si joogta ah u soo booqo blog page-kaan hadda waxaa furan scholerships ka jaamacadaha Europe qormo ayaan ka diyaarinnay, faahfaahin iyo link-kiyadii aad ka xarayn lahayd hadda xaree click here 

Part two sii wado akhriska

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *