mawduuceenaani waxa’uu qayb ka yahay oo daba socdaa mawduuc hore waana qaybta labaad ee mawduuca, haddii aad doonayso qaybta hore inaad soo akhrisato, oo’aadan horay usoo akhrisan halkan ka akhriso Isbadal.
sidee loo karaa dhaqaale ahaan?
In dhaqaale ahaan uu qofku koro waa wax u baahan dadaalo badan oo is daba jooga iskuna xiran, dhaqaaluhu kuma xirna kaliya shaqo ama ganacsi, haa shaqada ama ganacsigu waa ilaha dhaqaale laakiin, waa la ganacsadaa haddaa dhahdid oo lacag baa sidaa lagu helaa balse aadan garanayn xirfaddii ganacsi iyo barakada sida loo helo, ma u malaynaysaa in ganacsigaas aad ka lib keenayso?, waa macquul inaad isaga isku celceliso oo’aad ku noolaato balse way adkaanaysaa inaad tadawarto korto ood sii hanaqaado sidaas daraadeed waa muhiim aqoonta la xiriirta dhaqaale samaynta inaad taqaano waa xirfado dhawr ah oo ka bilaabmaya hab fikir, hab dhaqan illaa hab fulin. Sidoo kale shaqada iyadu dhaqaale ma keentaa waa su’aal ? waxaa jira dad shaqada ay hayaan dhaqaale ahaan ugu koro iyo kuwo waligood meeshooda taagnaada ma garanaysaa farqiga?
Waa kala xeelad, kala maskax iyo kala ficilo.
Hadaba waxaan halkan ku qoraynaa hoose dhawr qodob oo kaa saacidaynaya inaad dhaqaale ahaan korto adigoo adeegsanaya Tool-ka ama qalabka lacag samaynta kuwaas oo kala ah ganacsi iyo shaqo kaa doonto.
Raac qodobadaan si’aad dhaqaale ahaan u korto.
A) Acmaasha Qofka iyo koniimada dhaqaale
- Ka fogow xaaraanta! Ka ilaali hantidaada inay gasho 1 dolar-na ha ahaatee lacag xaaraan ah sidoo kale ka fogow dunuubta waa-wayn sida sinada ama daawashada filmaanta xun-xun iyo salaad la’aanta : hubaal hadaadan joojin ficiladaan waligaa barako iyo siyaado maal ma’arki doontid waan kugu adkaynayaa jooji hadab
B) Hab fikirka qofka iyo koritaanka dhaqaale
- Hab-fikirka Kobaca (Growth Mindset) iyo Dhaqaalaha
Qof ka leh hab fikir ka baxsan ( maxaa igu filan nolol ahaan )? Oo u fikira qaab koritaan dhaqaale, waxa uu aaminsanyahay.
- Nolosha inaysan maanta kaliya ahayn sidaas daraadeed waxa soo gala waxa’uu u maareeyaa qaab mustaqbal : – U fakar si ka baxsan nolol maalmeed kaaga: ha u shaqayn inaad noolaato ee u shaqee inaad korto tusaale haddii aad ka shaqayso meel aad ka qaadato bishii $500 ha wada isticmaalin oo kharashkaaga haku fariisin 5taas boqol nolol ahaan ee isku day inaad ku qorshayso noloshaada $300 2da soo hartayna ku maal gali il kale oo dhaqaale kaa soo galo ama ku kori naftaada oo naftaada ku maal gali cilmi ahaan.
Cashar: Dad badan oo maanta billionaires ah waxay ka yimaadeen nolol hoose, laakiin waxay lahaayeen hab-fikir kobac ah oo’aan xayndaab lahayn.
- Jack Ma (Alibaba) “Never give up. Today is hard, tomorrow will be worse, but the day after tomorrow will be sunshine.”
- Hab-fikirka Joogtada ah (Fixed Mindset) iyo Dhaqaalaha
Qofka leh hab-fikir joogto ah, maskaxda xiran oo’aan u furnayn horumarka iyo dhaqaale samaynta wuxuu aaminsan yahay :
- in nolosha maanta kaliya tahay qorshahaba uguma jirto berri oo kuma xisaabtamo waxa dhici kara.
- Kartidiisu aysan isbedeli karin.
- Guuldarro kasta ay caddeyneyso inuusan awood lahayn.
- Dhaqaalaha badan uu ku saleysan yahay nasiib iyo qaddar, balse uusan ku xirnayn dadaal.
Natiijada: Hab-fikir noocan ah wuxuu qofka ka hor istaagaa inuu qaato halis, wax cusub barto, ama maalgeliyo mustaqbalka.
- Quraanka iyo Hab-fikirka Dhaqaalaha
Quraanku wuxuu dhiirrigelinayaa hab-fikir kobac iyo shaqo adag:
“Qofka dadaala wuu heli doonaa wixii uu dadaalay.”
(Surah An-Najm: 39)
Tani waa mabda’a ugu weyn ee “mindset-ka kobaca” – in dadaalkaaga uu keeni doono natiijo dhaqaale.
C) hab dhaqanka qofka iyo koritaanka dhaqaale

Hab-dhaqanka iyo dabeecadaha qofka waa xudunta koritaanka dhaqaale.
- Hab-dhaqanka wanaagsan oo sababa kororka Dhaqaalaha
- Dulqaad iyo Samir
Qofka dulqaadka leh wuxuu ogyahay in koritaanka dhaqaale u baahan yahay waqti iyo qorshe.
Warren Buffet wuxuu yiri:
“Wealth is the transfer of money from the impatient to the patient.”
Taasi waxay muujinaysaa in samirku yahay hanti dhaqaale. - Mas’uuliyad iyo Daacadnimo
Qofka mas’uulka ah, balamaha iyo deynaha bixiyaa, wuxuu kasbadaa kalsoonida dadka iyo bangiyada.
Qur’aanka waxaa ku xusan:
“Eebow, naga yeel kuwa balantooda u oofiya.” (Surah Al-Furqan: 63-72) - Karti iyo Shaqo Jaceyl
Dadka dabeecad ahaan shaqo jecel waxay gaaraan heer dhaqaale fiican, sababtoo ah waxay joogteeyaan dadaal.
Elon Musk wuxuu sheegay:
“Work like hell. Every waking hour.”
-
Dabeecadaha Dhaqaale oo Toosan
- Kaydsiga iyo Xakamaynta Nafsi
Qofka aan degdeg u kharashgareyn wuxuu leeyahay mustaqbal dhaqaale oo deggan.
Tusaale ahaan, dadka ku dhaqma 50/30/20 rule (50% baahida, 30% raaxada, 20% kayd iyo maalgelin) waxay gaaraan xasillooni dhaqaale. - Cilmiga iyo Barashada Joogtada ah
Qofka barashada jecel wuxuu helaa xirfado cusub oo dhaqaale soo jiida.
Bill Gates ayaa yiri:
“If you are born poor it’s not your mistake, but if you die poor it’s your mistake.”
Wuxuu ula jeedaa in waxbarashada iyo barashada joogtada ahi ay beddeli karto xaaladda dhaqaale. - Is-xakamaynta (Self-discipline)
Hab-dhaqanka ugu muhiimsan ee dadka hantida leh ka dhaxeeya waa xakamaynta nafta. Caajiska iyo dib u dhigashadu waxay ku dhaafin karaa fursado hodantinimo kuu horseedi lahaa, jooji hakashada, cududaar samaysashada iwm, tababar naftaada oo ka dhig mid u soo jeeda inay ka fa’iidaysato fursad kasta
Jim Rohn wuxuu yiri:
“Discipline is the bridge between goals and accomplishment.”
- Hab-dhaqanada Qaldan oo keena Burburka Dhaqaale
- Caajisnimo iyo dib-u-dhigis (procrastination)
- Kharash badan oo ka badan dakhli
- Deyn aan qorshe lahayn
- Dhaqan aan daacad ahayn (waxay lumisaa kalsoonida dadka iyo ganacsiga)

Qofka dabeecadahaan yeesha wuxuu ku dambeynayaa dhaqaale burbur, xitaa haddii uu lacag badan helo mar uun.
- Tusaale Nololeed
- Oprah Winfrey: waxay Ka timid saboolnimo, balse waxay lahayd dabeecado wanaagsan: shaqo adag, is-xakamayn, iyo barasho joogto ah. Maanta waa mid ka mid ah haweenka ugu hantida badan dunida.
- tusaale qof aan hab dhaqan wanaagsan oo dhaqaale lahayn : Qof mushahar fiican hela balse aan dabeecad wanaagsan lahayn (kharash badan, caajis, deyn aan qorshe lahayn) wuxuu ku dambeyn karaa saboolnimo
D) caafimaadka jidhka iyo maskaxda iyo koritaanka dhaqaale

Caafimaadka maskaxda iyo jidhka iyo koritaanka dhaqaale xiriir toos ah ayay leeyihiin. Haddii qofku caafimaadkiisa maskaxda iyo jirku daciif noqdo, ma awoodi karo inuu shaqeeyo, hal-abuuro, ama qorshe dhaqaale sameeyo.
Marka waa adkaanaysaa inuu qofku dhaqaale ahaan horumar sameeyo, sidaas daraadeed dhaqaale ahaan si’aad u korto waa inaad ka shaqayso caafimaadka maskaxdaada iyo jidhkaagaba.
- Caafimaadka Maskaxda iyo Dhaqaalaha
- Xasiloonida Maskaxda = Go’aan Maaliyadeed oo Fiican
Qofka maskaxdiisu deggen tahay wuxuu sameeyaa go’aano dhaqaale caqli leh (kaydsiga, iyo maalgelinta saxda ahba).
Laakiin qofka walwal iyo niyad-jab ku jira wuxuu badanaa ku dhaqmaa kharash degdeg ah oo aan qorshe lahayn. - Stress badan = Dhaqaale burbur
Daraasad uu sameeyay American Psychological Association ayaa muujisay in stress-ka dhaqaale uu yahay sababta ugu weyn ee muranka qoyska iyo burburka dhaqaale. - Maskax caafimaad qabta waxay keentaa Hal-abuurnimo iyo Fursado Cusub
Steve Jobs wuxuu lahaa:
“Creativity is just connecting things.”
Maskax caafimaad qabta ayaa u sahasha qofka inuu isku xidho fikrado dhaqaale cusub oo guuleysta.
Qof kasta oo doonaya inuu dhaqaale ahaan koro waa inuu sidoo kale ka shaqeeyo caafimaadka maskaxdiisa hadaba samee ficiladaan kuwaas oo kaa caawinaya caafimaadka maskaxda/
- Samayso dabeecad wax akhris si maalin le ah
- Ka fagow muranka iyo doodaha aan muhiim ka ahayn
- Seexo hurdo kugu filan
- Wax walba oo’aan ku siinayn xasilooni maskaxeed ka saar noloshaada
- Wardiga ama digriga joogtayso
- Haddii xanuun nafsi ah aad dareento oo badan ama maskaxeed kaasho dhakhtar cilmu nafsi
- Jimicsoama lugee biyo badanna cab
- Sadaqayso waayo nafta ayaa raaxo ka hesha
- Wakhtigaaga haku dhumin waxaan dan kuu ahayn si’aadan u dareemin daal maskaxda ah iyo mid nafsi ah
- Akhrinta quraanka joogtayso
- Ku dheh dadka hadal wanaagsan kana fogow kuwa sida ixtiraam darada ah kuula hadla oo ka saar noloshaada.
- Caafimaadka Jidhka iyo Dhaqaalaha
-
- Ka warqab xaaladaada caafimaad; ka fiirso waxaad cunayso sidoo kalena haddii aad dareento calaamado caafimaad daro horay isu dabiib si’aad u lahaato awood wax soo saar.
- Qur’aanka iyo Sunnada
Qur’aanka waxaa ku xusan:
“Waxaad cuntaan waxa wanaagsan, waxaad camal falaysaan wanaag.”
(Surah Al-Mu’minun: 51)
Xadiiska Nabiga (NNKH) ayaa sidoo kale sheegay:
“Qofka caafimaad qaba, amni ku jira, oo cunto ku filan haysata, waxuu la mid inuyahay in uu haysto adduunka oo dhan.”
(Tirmidhi, Hadith 2346)
Tani waxay muujineysaa in caafimaadku yahay hanti dhaqaale oo lafteeda ah.
- Xidhiidhka Tooska ah
- Maskax caafimaad qabta → Go’aan dhaqaale oo saxan
- Jidh caafimaad qaba → Wax-soo-saar badan iyo shaqo joogto ah
- Stress iyo cudur badan → Dhaqaale burbur iyo deyn
Tusaale nololeed
- Richard Branson (Virgin Group): wuxuu ku caan baxay inuu ku dadaalo jimicsiga, wuxuuna yiri:
“Taking care of your health is the most important investment you’ll ever make.” - Mar kale : Dad badan oo caafimaad darro qaba (sida hurdo la’aan, walwal joogto ah) waxay lumiyaan shaqo, lacag caafimaad ku baxda, iyo fursado dhaqaale.
part three, taxanaheenan isbadal oo’aan dhammaynay qaybtiisii labaad qaybta sadexaad halkan ka akhriso click here