Waxaa laga yaabaa in qof in badan oo noloshiisa ah uu raacdaynayo nolol uu rabo balse waligiis uusan gaarin noloshaas.
Wali ma dhacday intaad meel fariisatay inaad is waydiisay sabab ? why? Maxay noloshaydu sidaan ugu egtahay? Maxaa saameeyay noloshayda oo ku sababay sida ay tahay? Maxaa badali kara noloshaydaan? Si’aan isbadal u sameeyo maxaan badalaa?

Kadibna ma kuu soo baxday kaliya ficilo inaa badasho, ficiladii markii aad badashayna waxba ma is badali waayeen oo sidii si ka daran, natiijo tii ka daran makuu soo baxday ama in xaalku sidiisa iska ahaado, oo’aad waydo is badalkii aad rabtay?
Waxaa laga yaabaa inay jawaabtaadu tahay ( Haa )
Hadaba soo dhawow muwduuceenaan ayaynu kaga hadlaynaa waxa isbadalka keena oo’ah hab fikirka.
Is badalku kuma yimaado hawlo la qabto kaliya basle waxa’uu ku yimaadaa argati la badalo, tusaale hadaad aaminsantahay aragtida ah in lacag lagu helo in la shaqeeyo shaqooyinka 9-5 ka, hadafkaaguna yahay inaad dhisato guri $200k oo doolar ah iyo ka badan luxury house, waligaa aad ku hamido isku daydo, wax aruursato, kadibna hadba shaqo ka tagtid oo mid ka sii lacag badan aad tagto balse waxba aanay kuu siyaadin wali gurigii aad ku riyooto bes ficilkiina wali aad ku dhaqaaqi la’a dahay!
Taasi waxay cadayn u tahay doonistaada iyo hab fikirka ama waxa’aad aaminsantahay in lacag laga sameeyo ama wadada aad u marayso rumaynta inaad hesho gurigaa ayaa kala duwan oon is waafaqayn. Si’aad gurigaa u dhisato waxaad u baahantahay hab fikir cusub oo’ah dhanka maaliyadda inaad la timaaddo.
Tusaale
halkii aad ku fakaraysay lacag aruurso oo markaad kharashaadka bixiso sida kirada cuntada korontada, biyaha, iyo kharashaadka shaqsiga ah intii kuu soo harta lacagta aad shaqayso meel dhigo, ku badal fikir ah in aad bangi dhahdo guriga ii gad kadibna bil kasta bangiga sii lacagtii aad dhigan lahayd+ lacagtii aad kirada u bixin jirtay.
Ama ka fakar 6 bilood lacag aad aruurirsay business aad ku maalgalin karto bil kastana lacag badan ka samayn karto.
Tani waa tusaalaha 1aad oo ina tusayo isbadalku ama gaaridda hadafku inay ku xirantahay hab fikirka oo la badalo.
Qof kasta noloshiisa waa natiijada hab fikirkiisa iyo waafajinta rabbi, sida aad u fakarto waxaa ku xiran caqabadaha iyo xalalka nolosha, taas oo macnaheedu yahay fikirkaagu waxa’uu ku siin karaa negative wax ah oo caqabad ah ama positive wax ah oo wanaag kuu horseeda iyo horumar.
Tusaale
laba wiil ayaa halmar kuwada hamiyay dhoof mid ayaa wuxuu ku fakaray in gabar uu xiriir la sameeyo qurbaha jirta si’ay u dhoofiso guurkooda kadib, mid kale ayaa waxa uu ku fakaray inuu wadamada dariska ah passport ka samaysto saaxiibkiis maraykan jooga oo ganacsade ah dhaho visa shaqo ii soo dir oo company-gaaga ka socota kadibna halkaas markaan imaado ayaan ka fakaraya wadadii aan ku sii joogi lahaa oo sharci ku heli lahaa, labaduba isku mar ayay hawsha wada galeen,
Midkii xiriirka inanta la sameeyay 2 sano kadib way kala hareen natiijo la’aan ninkii kale 5 bilood gudahood qorshihiisii waa ku dhamaystay waxa’uuna tagay USA.
Labadaba waxaa kala duway hab-fikirkooda oo midna fikirkiisa ayaa xal u horseeday midna fikirkiisa ayaa caqabad u horseeday.
Waxaa jira laba nooc oo dad ah.
- Kuwa dhanka adag process ka dheer mar walba hab fikirkoodu ku salaysanyahay
- Iyo kuwa meel dhaw wax ka arka oo long process ka iyo wadada adag aan ku fakarin.
Haddii aynu sharaxno dadka sida adag u fakara waxaa la adag waxa ay doonayaan waxay u arkaan wax ay adagtahay in la gaaro wax aan sahlanayn wax hawl badan u baahan si loo xaqiijiyo kadibna shuruudo badan ayay ku xiraan waxay arkaan caqabado badan oo kaga gudban wax fog ayay ka dhigaan oo aan si sahla lagu gaarayn illaa caqabadahaas oo dhan la xalliyo waxay hor dhigaan isbaarooyin badan ka dibna isbaarooyinkaas iyo caqabadahaas intay is leeyihiin xal u hela ayaa wakhtigu ku dhacaa hawshuna ku dheeraataa illaa aakhirka ay is dhiibaan marka wadadu ku dheeraato oo hawshu ku badato.
Qolada kale ee labaad waa lidkooda ama cagsigooda waa dad aan u arag waxa’ay doonayaan wax hawlo badani ku hor gudbanyihiin, shuruudana kuma xiraan toos ayay u bilaabaan hawsha naftirkeeda oo’u galaan waxba ma sugaan hawlna-hawl kale kuma xiraan oo caqabad ugama dhigaan sidoo kale xalalka ama wadooyinka waxa’ay doonayaan ay ku gaarayaan meel fog kama arkaan oo jid dheer ah sida ugu fudud, wadiiqada ugu dhaw iyo xalka ugu sahlan ayay ka fikiraan, dadkan waa kuwa hab fikirkoodu u sahlo isbadallo badan oo nololeed.
Waligaa ma dareentay sidii inaad lugta ka xirantahay oo kale?

Ma aragtay adiga oo hal giraan ah ku meeraysanaya laakiin dareemaya marnaba inaadan meesha ka baxayn oo banaanka u soo baxayn ma is waydiisay meesha gaarka ah ee lagaa haysto waxa kaa hor taagan inaad giraanta ka baxdo?
Jawaabtu waa waxaad samaynaysaa waxa aad samayn jirtay waxaadna u fakaraysaa sidaad u fakari jirtay. Badal iyaga markaas ayaad giraanta ka baxaysaa.
Nolosheennu waa fikikeenna.
Haddii aad tahay qof dareema mar kasta dhibane inaa tahay, walwala u’arka nolosha dhan inay ka soo hor jeeddo, in la necebyahay, xaasid lagu yahay, in la takoorayo iwm macnaheedu maaha in waxaas oo dhan runyihiin balse waxaad leedahay victim mindset wax la dhaho oo’ah inaad u haystid in dadka aad xaq iyo khasab ku leedahay inaad aaminsatahay waxay ahayd inaad umadda ka hesho oo xuquuq ah inaad ka wayday sidaas ayaad dadka ugu arkaysaa eedaysanayaal iyo cadaw maadaaba waxa aad moodaysay inaad xaq ugu leedahay aad ka wayday. Illaa aad hab fikirkaa badashana dareemadaadu ma badalmayaan.

Waxaa jira low/sharci la yiraahdo
Fear low.
Sharcigaani waxa’uu sheegayaa ( Qofku waxa uu soo jiitaa waxa’uu ka baqo,) tusaale qof baa ka baqa in lagu qoslo markuu hadlo, markasta uu hadlo qofkaasi waa lagu qoslayaa sababta oo’ah maskaxdiisa ayaa cabsidani ku jirtay sidaas daraadeed fariinta ay maskaxdu dirayso ayaa noqonaysa midaan saxnayn qofkuna wuxuu ku hadlayaa waxaan saxnayn taas oo sababaysa in lagu qoslo, markaas macnaheedu waxaa weeyaan in wax walba oo inagu hareeraysan ay maskaxdeennu doorka ugu wayn ku leedahay sidaan u fakarno ayay wax walba ka bolwdaan.