Self-development importance.

Maxay muhiim u tahay in qofku naftiisa horumariyo? Sideese qofku u hormarin karaa naftiisa? Mase tahay macquul in qof is badalo sida aragtiyadiisa inuu badalo inuu xirfadihiisa badalo qaab fikirkiisa badalo isagu is barto.macquul matahay in qofku uu la tacaalo waxyaabo liddi ku’ah noloshiisa ? 

Dhammaan su’aalahaan jawaabtoodu waa haa!

In qofku naftiisa horumariyo waxay muhiim u tahay noloshiisa career kiisa ama shaqadiisa xiriiradiisa farxaddiisa dad la dhaqankiisa horumarkiisa IWM.

Tusaale haddaan soo qaadanno qof aan lahay xirfadaha Broblem solving ka ama dhibaato xalinta team work ga ama in dad lala shaqeeyo communication ka iwm way ku adkaanaysaa in career kiisa ama shaqadiisa uu ku guulaysto.

Sidoo kale qofka aan lahayn xirfadaha sef-awaraness ka Emotional intelligiency ga iwm way ku adkaanaysaa in uu ku guulaysto xiriirada naftiisa iyo dadka kale, sidoo kale qofka aan lahayn xirfadda stress management-tiga iyo resilience ga way ku adkaanaysaa in uu ka guulaysto stress ka iyo wixii la mid ka ah oo waxa’uu noqonayaa qof markasta mashaqo un dhexda kaga jira. 

Hadaba waxaan u gudbaynaa su’aasha ah sidee qofku naftiisa u horumarin karaa?

Si’uu qofku naftiisa u horumariyo waxa’uu u baahanyahay inuu is waydiiyo su’aalahaan soo socda.

  1. Maxay yihiin ciladahaygu? Yacnii maxaan ku dhib qabaa oo sababa xaaladyda nololeed ee maanta si’aan ciladahaas xal kooda u raadiyo? Tusaale qof baa waxa’uu ku dhib qabaa joogtayn la’aanta- inuusan joogtayn qabashada hawl uu bilaabay taas uu ku hagaysa hadaf nololeed oo’uu leeyahay. Hadaba qofkaas oo kale waxa’uu u baahanyahay inuu joojiyo ciladda joogtayn la’aanta si uu joojiyana waa inuu is waydiiyo waxa ka caawin kara inuu jaro dabeecaddaas oo’uu xalkii ka fakaro kadibna uusan dib ugu noqon ciladdaas
  2.  Xirfadahee ayaan u baahanay inaan barto si’aan kor ugu qaado ogaalkayga?
  3. Luuqaddee ayaan u baahanahay inaan barto si’aan kor ugu qaado fursadahayga?
  4. Dabeecadahee ayay tahay inaan joojiyo si’aan u noqdo qof aan ahayn kaan maanta ahay?
  5. Bulshada noocee ayaan ku jiraa micnaha dadkee ayaan ka mid ahay? Yaan iska dhex arkaa oo’aan aaminsanahay inaan isku mustawe joogno? Markaa jawaabta hesho waxaad ku xejinaysaa isla su’aasha ah ok maku qanacsanahay meeshaan aan joogo? Macnaha ma tahay meeshaan is taahilay? Maya hadday tahay maxaan u baahanahay inaan joojiyo? Dhaqamadee macnaha si’aan dadkaan uga dhex baxo? 
  6. Qofkee ayaan doonayaa inaan noqdo hadaba? Bulshadee rabaa inaan ku biiro, mustawahee doonayaa ? jawaabta kuu soo baxda waxaad ku xijisee su’aasha ah 
  7. Hadaba qofkaas inaan noqdo dadaal noocee ah ayay iiga baahantahay? Macnaha maxay tahay inaan sameeyo?

Intaa kadib waxaad ku dhaqaaqaysaa ficilada jawaabahaaga si ka go’o naansho leh oo’aan labalabayn ama caajis ku jirin.

 

Waxaad u baahantahay si hab fikirkaagu isku badalo 

  1. inaad maskaxdaada challenge garayso carqaladayso su’aalo badan u dirtid ka fiirsatid waxyaabaha aad aaminsantahay inay sax yihiin iyo in kale si hab fikirkaagu isku badalo, sidoo kale waa inaad dhacdooyinka daraasadayso oo wax ka barato waa inaad u’arkin dhacdo kaliya laakiin aad casharada ku dhex jira wax ka baratid.
  2.  inaad akhriso buug kala duwan sida kuwa naf horumarinta ka hadla, kuwa fiction ka ama sawirada aan dhabta ahayn ee nolosha darsa, ganacsiga, science ka , taariikhda, diinta, geography ga iwm. Si maskaxdaadu u balaarato oo ay u galaan xogo badan taasi waxay saamaynaysaa hab fikirkaaga nololeed.
  3. ka qayb gal dhacdooyinka macnaha goobaha shirarka iyo seminar-radu ka dhacayaan oo la isku waydaarsado tacliinta iyo dad barashada
  4.  samee activities kuu gaara oo’aad ku dareemaysid wax qabad
  5.  ka fakar caafimaad kaaga maskaxeed iyo kaaga jireed ba
  6. joogtayso cibaadada dikriga iyo salaadda oo’aad wakhtigeeda ku tukato.
  7. Samayso mentor ama tababre nololeed ama qaado koorso ah sida nafta loo hurumariyo riix linkigaan.

Ma heli kartaa la talinno shaqo iyo caafimaad ama kuwo maskaxeed oo soomaali ah haa,  la talin career /shaqo riix linkigaan latalin caafimaadka maskaxda riix linkigaan 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *